Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo la wareegtay degaan muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Mudug

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta  la wareegtay deegaanka Camaara ee ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ee hoso taga Galmudug, iyadoo kadibna  bandow ku soo rogtay kuna amray dadka  degaankaasi inaysan bixi karin guryahooda.

Al_shabaab

Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in dhammaan goobaha ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka deegaanka uu hakaday, waxaan meel waliba lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo gaaf wareegaya degaanka Camaara. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la wareegtay degaanoka tirsan Koofurta Gobolka Mudug oo ay ka mid tahay Bacaadweyne.

Maamulka Galmudug ayaa ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan, waana talaabadii ugu horeysay ee degaankasi ay ka fuliso Alshabaab. Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowaanahan dhaq dhaqaaqyo milateri ka bilaabay gobolada koofureed, iyagoo la wareegay deegaano kala duwan xilli howlgallo looga xoreynayo degaanada dalka ay socdaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON