Sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Aadan Low ayaa lagu dilay degaanka Aricadde ee Koofurta Gobolka Mudug oo dagaal ku dhex maray maanta kooxda Alshabaab iyo dadka degaanka.
Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa degaanka Ari-cadde wuxuu ku dhex maray dad Shacab ah iyo maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, waxaana kadib ku biiray dagaalka ka tirsan Galmudug, taasoo keentay in goobtaasi lagu dilo taliyihii hogaaminayay Ciidamada Galmudug Aadan Low.
Dadkii lagu dhaawacay dagaalkii maanta ayaa loo qaaday Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Goobjooge.com