Thursday, December 8, 2022

Alshabaab oo la wareegtay isbitaalkii Ceelbuur, kana saartay Dadkii bukaanka ahaa

Alshabaab ayaa la sheegay inay Isbitaalka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaasi la geeyay dhaawacyo badan oo laga keenay Degaanka Baxdo.

Warbaahinta dowladda ayaa Dadka Ceelbuur kasoo xigatay in Alshabaab ay dhammaan dadkii bukaanka ahaa ee shacabka ahaa ka saareen isbitaalka, ayna ku wareejiyeen dhaawacyo fara badan oo kusoo waxyeeloobay dagaalkii dadka deegaanka Baxdo oo qasaare ba’an kasoo gaaray Alshabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in Ceelbuur la geeyay dhaawacyo iyo meydadka tobanaan Alshabaab ka tirsan, iyadoo qasaaraha dagaalkii Baxdo ee dhex maray Alshabaab iyo dadka degaanka uu sii kordhay.

Ad

Ibsitaalka degmada Ceelbuur ayaa waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo dhaqaale iska ururiyey, balse lama oga inuu noqon dooni mid ay Alshabaab si gaara u adeegsan doono iyo in kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!