Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo la wareegtay Kuntunwaarey markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM

Wararka laga helayo Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee Uganda ay isaga baxeen fariisin ay ku lahaayeen  degmadaasi iyagoo dib ugu laabtau saldhigyada kale ee Gobolka Sh/hoose taasoo keentay in isla markiiba ay  la wareegaan maleeshiyada Alshabab.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM ay Magaalada Faarujiyeen, kadibna ay soo galeen Alshabab oo dadka degaanka isugu yeertay goob bannaan halkaasoo khudbado ay uga jeediyeen.

Sababta keentay inay ciidamada AMISOM ka baxaan degmada Kuntunwaarey ayaan la shaacin, laakiin waxaa jira qorshe dib loogu habeynayo saldhiyada ciidamada AMISOM ee ku yaala degaanada Sh/hoose si looga hortago weeraro la mida kii Jannaale ka dhacay horaantii bishan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON