Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo Lacag ka badan 100-kun Doollar Diyo ahaan uga qaadatay Beesha Muddulood ee Sh/Hoose

Beesha Mudullood ee Gobolka SH/Dhexe ayaa bixisay lacag Diyo ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda Alshabaab, kadib markii lagu helay inay dileen laba ka mida dagaalamayaasha Alshabaab.

Qeybtii labaad ee Diyo culus oo beeshan la dulsaaray ayey bixisay kadib markii in muddo ah ay ururineysay, waxaana laba dagaalame ay Maxkamadda Alshabaab u xukmisay diyo gaareysa $108,000 (Boqol iyo sideed kun oo doollar).

Beeshan ayaa hor u dhiibtay lacag dhan $50,000 dollar, waxaana Sabtidii ay Beesha Garre oo dagaalmayaasha kasoo jeedaan ay ku wareejisay qeybtii harsaneyd lacagta diyada ah ee lagu xukumay oo ahayd $56,000 Dollar.

Laba dagaalame ee Alshabaab ayaa la sheegay inay dhinteen iyagoo ku dhex jira dagaal beeleed dhex ka dhacay Gobolka Sh/Hoose oo Beesha Muduullood qeyb ka ahayd.

Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana diyada kala qaatay beelaha Mudulood iyo Garre. Nabdoonno iyo waxgarad labada beelood ah oo fulinay go’aanka Maxkamadda Alsahabaab ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON