Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo Lacag madax-furasho ah ka dalbatay shaqaale ay afduubteen

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay lacag madax furasho ah ka dalbadeen shaqaale hay’ad Samafal oo ay afduubteen.

Wararkan ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ay 7 qof oo ka mida shaqaalaha ururka samafalka GREDO ka afduubteen duleedka degmada Buurhakaba, iyagoo geystay degaan lagu magacaabo Dalandoole ee Gobolka Baay.

Alshabab ayaa la sheegay inay doonayaan lacag dhan 20,000 oo doolar si ay u sii daayaan shaqaalahan oo 4 ka mida ay haween yihiin 3 kalena ay rag yihiin, waxaana wararkan laga soo xigtay dad ehel la ah shaqaalaha la afduubtay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adada ay u shaqeeyaan shaqaalahan ayaan wax war ah kasoo saarin falkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON