Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo madax furasho lacageed ku sii deysay shaqaalihii Bisha Cas ee ay qafaasheen

Kooxda Alshabaab ee gobolka Gedo ayaa madax furasho lacageed oo aan la shaacin inta ay la eg tahay ku sii deysay shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ay dhowaan ka afduubteen agagaark Baardheere.

Shaqaalaha oo ay ka mid ahaayeen Aadan Cabdi Aadan, Cabdinaasir Abshir iyo Cali Sugulle ayaa  maanta dib u helay xorriyadooda, markii  xaalada lagu dhameeyay waanwaan  kadibna la siiyay lacagta madax furashada ah oo Shabaabku dalbadeen.

Odayaasha degaanka ayaa arrinta afduubka ku baxay, waxayna ku  ku guuleysteen inay shaqaalaha la sii daayo. Shaqaalaha Bisha Cas ayaa u socday  degmada Ceel-waaq ee isla gobolka Gedo.

Ad

Alshabab ayaa hore uga mamnuucay inay hay’adaha ay ka mid tahay Bisha Cas uga dhex shaqeyso Gobolka Gedo.

 

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON