Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay nolol ku wateen ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ilaalo ka ahaayeen Booyad ciidanku leeyahay oo xalay lagu weeraray degaanka Cabdow Dibile u dhaxeeya Xerada Laanta Buuro ee Ciidanka iyo Degmada Afgooye.
Booyadda oo biyo u dhaamineysay ciidamadamada kana tagtay degmada Afgooye ayaa la sheegay inay ku cilladowday Cabdow Dibile, iyadoo ilaalo ahaan looga tegay shan Askarta, kadibna waxaa soo weeraray maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab iyagoo guvay Booyadii, isla markaana nolol ku kaxeystay shantii askari.
Saraakiisha militeriga ayaa sheegay inaan nolol iyo geeri midna lagu heynin shanta askari, balse aysan xaqiijin karin xaaladooda.
Goobjooge.com