Wararka laga helayo Gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in weerar is-miidaamin ah ay saaka ku qaadeen degaanka Jannaayo Cabdalla oo 60 KM u jira magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa loo adeegsaday Gaari xamuul oo laga soo buuxiyey waxyaahaba qarxa, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan in lala beegsaday ciidamada Jubaland iyo Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyeen ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaa degaanka Jannaay Cabdalla oo ah goob muhiim ah oo isku xirta Gobolka J/Hoose.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu dhaliyey Qasaare xoog leh, waxaana hadda soo baxaya faahfaahinta qaraxa. Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa is-miidaaminta ah inay qasaare kasoo gaartay ciidamo Mareykan ah.
Xilliga qaraxa dhacay ayaa la sheegay in ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ay wadeen miino baaris, iyadoo aan weli la ogeyn qasaaraha uu dhaliyey qaraxa.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..
