Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay burburiyeen gebi ahaan Buundadii Janaale ee caanka ahayd kadib markii waxyaabaha qarxa ay ku xireen saaka aroortii, taasoo ka horeysay weerarkii cuslaa ee ay ku qaadeen saldhigga AMISOM ee Janaale oo markii hore weerar is-miidaamin ah lagu qaaday kadinba dagaal fool ka fool ah ka dhacay.
Wararka laga helayo Janaale ayaa sheegay in Buundada ay duntay qarax lagu xiray awgiis taasoo qasaare weyn ku ah isu socodka dadka degaanka, lamana oga sababta Alshabaab u burburiyeen Buundada Janaale oo ahmiyad weyn u lahayd dadweynaha iyo beeralayda degaankaasi.
Buundada ayaa loo maleynayaa inay Alshabaab u qarxisay si aanu gurmadka ciidamada AMISOM u soo gudbin, iyadoo warar cusub sheegayaan in ciidamo gurmad ah oo AMISOM ah la weeraray oo Taangi qasaare soo gaaray.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarkii Janaale ku dileen in ka badan 80 askari oo ka mida ciidamada AMISOM, inkastoo AMISOM ay beenisay in saldhiga Janaale lag qabsaday. Wuxuuna Afhayeenka Alshabaab shaaciyay inay weerarka ku soo beegeen dilkii Amiirkoodii Mukhtar Abuu Zubeyr oo maanta oo kale ay diyaarad dagaal oo Mareykan ah duqeyn ku dishay, iyadoo weerarka ay qaadeen ciidamo amiirkaas hore loogu magac daray.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]