Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan 2 ka mida maleeshiyadii weerartay Hotelka SYL (Akhriso)

Alshabaab ayaa shaacisay magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan laba ka mida dableydii weerartay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho 10-kii bishan Disembar 2019.

Ninka hore ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda oo wareysi lala yeeshay intii uu socday weerarka, sida ay baahisay Warbaahinta Alshabaab, waxaana ninkan magaciisa lagu sheegay Max’med Maxamuud Cabdi oo ku magac dheeraa (Saadaq), kaasoo ahaadagaalyahan kasoo jeedaa Beesha Xawaadle, gaar ahaan Reer Ugaas

Ninka labaad ee ka mid ahaa dableydii weerartay Hotelka SYL ayaa warbaahinta Alshabaab ay shaaciyeen wareysi dardaaran ah oo laga qaaday, waxaana magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Xasan Maxamed oo kasoo jeeda Beesha Biyamaal, kuna dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Alshabaab ayaa adeegsata dhalinyaro loo qoro is-miidaamin iyo weerarro aan laga soo noqon, kuwaasoo loo yaqaan guutada Ishtish-haadiyiinta oo u badan dadka kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, laakiin waxaa ku jira xubno Soomaali oo dhan ka kooban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON