Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay magacayda shan sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska iyo darajooyinkooda oo saaka lagu dilay qaraxii ka dhacay iridka Xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Diiriye Xersi (Cali Gaab) ayaa sheegay in saddex sarkaal ay uga dhinteen qaraxaasi, laakiin Alshabaab ayaa magacyada ay shaacisay wax kala yihiin:
Xuseen Siciid Jimcaale (Qalcadde) Gaashaanle Police ah, kuna magacaawnaa taliyaha Police-ka ee saldhigga Bakaaraha.
Xirsi oo sarkaalkii ku magacaaban Taliyaha Police-ka ee degmada Howlwadaag.
Faarax Garweyne oo ahaa Sarkaalka taliye ku xigeenka Police-ka ee degmada Howlwadaag.
Iidoow Xaajiyoow, oo ahaa taliye ku xigeenka Police-ka Gobolka Baay.
Khaliif oo ahaa taliyaha Police-ka ee degmada Heliwaa.
Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay saddex sarkaal oo kaliya.
Goobjooge.com