Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo shaaciyay Muuqaalka askari Kenyaati ah oo ay Maxbuus u heystaan, kuna hanjabtay…

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhitgay askari Kenyaati oo ah maxbuus ahaan u heysato, kaasoo baaq  u diray dowladda Kenya iyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Askarigan oo lagu magacaabo Alfred Dayni Kilasi ayaa kasoo muuqday video ay baahisay kooxda Alshabaab, wuxuuna dowladiisa weydiistay in la badbaadiyo, isagoo xiran dareyska ciidamada Kenya.

Askarigan ayaa la sheegay inuu ka mid yahay maxaabiistii ay Alshabaab ku qabsadeen weerarkii Ceel-cadde ee Janaayo 2016, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay tiro ka badan 100 askari oo ka mida ciidamada Kenya.

Ad

Muuqaalkan ayaa soconaya 4 daqiiqo ah wuxuuna  Alfred Danyi Kilasi dirayaa fariin qeylo-dhaan ah, isagoo dowladiisa, Shacabka iyo Ehelkiisa, ugu baaqay inay badbaadiyaan .


Alshabaab ayaa hore u dilay maxaabiis ay sidan u soo bandhigeen kadib markii wax jawaab ah laga laayay dowladaha ay u dhasheen, waxaana la filayaa in askarigan uu jidkaasi maro.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON