Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo shaqaale ka tirsan Bisha Cas ku afduubtay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay afar ruux oo shacab ah ka afduubteen inta u dhaxeysa degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dadka  la afduubtay waxaa ka mid ah madaxii qeybta caafimaadka ee Hay’adda Bisha ee Gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Aadan Cabdi Aadan iyo shaqaale kale oo caafimaad oo hay’ada bisha cas ka tirsan.

Sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq afduubka ayaa lagu tuhmayaa inay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab.

Waxay afarta shaqaale ee la afduubtay ka baxeen degmada Baardheere iyagoo ku sii jeeday degmada Ceelwaaq, waxaana markii ay marayeen Deegaanka Sadiima oo 70 u jira degmada Baardheere joojiyay maleeshiyaad wajiyada soo duuban oo kadib hore u kaxeystay, lamana oga halka ay geeyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON