Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay qabsatay Degaanka Raagge-Ceelle iyo wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay la wareegeen degaanka Raage-Ceelle ee Gobolka Sh/Dhexe.

Aroornimadii saaka ayaa la sheegay inay maleeshiyada Alshabaab dhinacyo dhowr ah ka galeen Raagge Ceelle, iyadoo ay halkaasi ka baxeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa, iyadoo ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh meel u dhow halkaasi aysan wax tallaabo ah qaadin.

Saldhigga ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in madaafiic laga riday iyo hubka culus, waxayna dadka degaanka sheegeen inay isaga cararreen halkaasi, kadib markii Alshabaab soo galeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay Alshabaab saaka isaga baxeen degaanka, markii ay ciidamada AMISOM gudaha u soo galeen Xarunta Raage-Ceelle, iyadoo ay dib ugu laabanayaan ciidamadii isaga baxay ee dowladda.

Degaanka Raaga Ceelle ayaa ku dhowaad 95KM u jira magaalada Muqdisho, waxaana muddo sanado ah ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Alshabaab muddo sanado ah ay halkaasi soo gaarto.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska milatariga ciidamada Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON