Tuesday, July 1, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Fannaanka ay soo bandhigtay Hay’adda NISA ee qirtay Shabaabnimada.

Alshabaab ayaa war ay kasoo saartay Fannaan ay xalay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, isagoo qiranaya inuu ka mid ahaa Alshabaab.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay war laga soo xigtay saraakiisha ururka oo lagu sheegay ninka lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad aanu ka mid ahayn Alshabaab, warka laga faafiyeyna uu yahay mid aan sax ahayn, wax xiriir ahna aanu la lahayn Alshabaab.

“Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Mujaahidiinta ama la shaqayn jiray..” ayaa laga soo xigtay Alshabaab.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegayai n qabashada fannaan Abshir Gaarane ay timid markii uu soo galay raad laga helay macalinkii dilaaga ahaa ee Maxkamadda Milatariga ku xukuntay dilka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON