Thursday, July 17, 2025

Alshabaab oo war yaab leh ka soo saartay Qarixii Gaalkacyo & dilka Gaadayare

Kooxda Alshabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay inay ka dambeysay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay xisaabiyihii wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Gaalkacyo oo lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa maamulka Puntland. Afhayeenka Alsahbaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab  oo la hadlay idaacadda Andalus ee kooxdaasi leedahay ayaa sheegay in qaraxa ay la heleen saraakiil ka tirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa.

Wuxuu afhayeenka Alshabaab sheegay in sarkaalka lahu dilay qaraxa ay si aad ah u  doondoonayeen kaasoo ahaa xisaabiyihii Wasaarada Maaliyadda maamulka Mudug Saciid Cali Yuusuf (Gaada-yare), wuxuuna ku eedeeyay inuu ahaa  isku-xiraha guud ee Puntland iyo Itoobiya oo sirdoonka Itoobiya ugacan gelin jiray maxaabiista islamarkaana hub kasoo daabuli jiray gudaha Itoobiya sida afhayeenka Alshabaab sheegay.

Al Shabaab waxay sheegtay inay shacabka Mudug ay ka hor leexisay nin ay ku tilmaantay inuu halis ku ahaa nolosha dadka muslimiinta ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON