Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii weerar xoog leh ku qaaday xarun ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo werarkaasi ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qod is miidaamiyay.
Dagaal culus ayaa la sheegay inuu bilowday labada dhinac qaraxa is maadaaminta kadib, waxayna kooxda Alshabaab dhowr jiho ka weerareen xerada oo ay deganaayeen ciidamada Burundi. Wararka ayaa sheegaya in khasaare balaaran weerarkaasi dhaliyay ayna kooxda Alshabaab la wareegeen xeradaasi kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa ee AMISOM ayna aadeen xerada kale ee Balidoogle.
Ciidamada AMISOM ayaan wax war ah ka soo saarin weli weerarkaasi, waxaana soo baxaya in khasaare xoog leh ka dhacay goobta dagaalka iyadoo qaraxyada iyo rasaasta ay gaareen tuulooyin ku dhow degaanka Leego ee weerarku ka dhacay.
Kooxda ALshabaab ayaa sheegatay inay qabsatay xarunta ciidamada AMISOM ee leego isla markaana ay laayeen tiro badan oo ciidamada Burundi ah. Falkan ayaa ka mida weeraro ay kooxdu sheegtay inay qaadi doonto bishan Ramadaan ee barakeysan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]