Kooxda Alshabaab ayaa mar kale dagaal ku qaaday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo wararka laga helayo magaaladaasi ay sheegayaan in dagaalka oo xalay dhacay uu sababay qasaare kala duwan.
Kooxda Alshabaab ayaa guluf weyn u qorsheysay degmada Ceelwaaq, iyadoo shalayna dagaal halkaasi ka dhacay lagu dhaawacay taliyihii saldhiga degmada laguna dilay askar ciidamada dowladda iyo Alshabaab ka tirsan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac oo soo kala gaarau Dhinacyada ku dagaalamay halkaas.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ay Al-shabaab ka dileen ilaa 6 maleeshiyo, halka Ciidamada Dowladda dhankooda uu gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge.com