Wednesday, July 16, 2025

Alshabaab oo weerar ku galay Saldhig ciidan oo ku yaalla Degmada Balcad iyo wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar caawa ku qaadeen saldhigga ciidamada Hiilweyne ee u dhow degmada Balcad.

Weerarkan oo kedis ahaa ayey sheegeen dadka degaanka in rasaas xoog leh ay ka maqleen saldhigga, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay Alshabaab qabsadeen saldhigga markii ay isaga baxeen ciidamo ku sugnaa, iyadoo kadibna dab qabadsiiyey xerada iyo gaadiid ku sugnaa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weerarka Alshabaab lagu dilay 5 qof oo midkood ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ay dab ku qabadsiiyeen laba gaari intii aysan ka bixin xerada oo hore loogu tababari jiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Alshabaab iyo dowlada Somalia ayaan weli wax War ah kasoo saarin weerarkan oo imaanaya 24 saac kadib markii ay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab weerar ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON