Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka Garbahaarey

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa saaka  ka dhacay duleedka magaalada degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo iyadoo dagaalkaasi la sheegay inuu ahaa mid xoog badan.

Al_shabaab

Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ka ilaaliyaan degmada oo ku yaala degaanka Qodaxey ee duleedka degmada, waxaan labada dhinac dhex maray dagaal qaraar oo ay ku dhinteen ilaa 4 qof, waxaana jira dhaawac intaas ka badan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yijid Al-shabaab iyagoo ka dilay saddex maleeshiyo iyadoo aanay wax war ah weli ka soo saarin dhinaca Alshabaab.

Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday tuulooyinka ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxayna la wareegeen degaanada Mareerey iyo tuulooyin kale oo muddo saacado ah ay heysteen intii aan dib looga saarin markii ciidamada dowladda ay weerar rogaal  celin ah ku qaadeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON