Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo weerar Qaraxyo loo adeegsaday ku qaaday Gudaha Kenya & Dad la afduubtay

Wararka laga helayo Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalamayaan ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Faafi ee Gaarisa.

Weerarka oo dhacay xalay ayaa sheegay inay Alshabaab ku burburiyeen xarun isgaarsiin, isla markaana ay qafaasheen laba qof oo lagu sheegay inay macalimiin ahaayeen, lagana cabsi qabo inay dileen.

Alshabaab ayaa adeegsatay qaraxyo ay ku burburisay Anteeno dhinaca isgaarsiinta ah degaanka Faafi, waxayna gubeen iskuul degaankaasi ku yaallay, oo macalimiinta maqan ay ka kaxeysteen.

Dowladda Kenya ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan ugu dambeeyay ee Alshabaab oo ah kii ugu dambeeyay weeraro xiriir ah oo Alshabaab ku qaaday degaanka Gaarisa.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON