Saturday, January 10, 2026

Alshabaab oo Xaflad Caleemo-saar ah u sameysay Suldaanka Beesha Sade ee Jubbooyinka (Sawirro)

Alshabaab ayaa suldaan kale ku caleemo saartay Gobollada Jubbooyinka, iyadoo ay sii kordhisay odayaasha dhaqanka ee ay ku caleemo saareyso degaanada ay ka taliso.

Suldaanka Beesha Sade ee Jubbooyinka oo hoostaga Alshabaab ayaa loo Caleemo saaray nin lau magacaabo Cabdiwali Xasan Madoobe, iyadoo xaflad heer sare ah loogu qabtay, laguna caano shubay munaasabad uu goobjoog ka ahaa guddoomiyha Alshabaab ee Jubbooyinka Abuu Cabdalla.

Suldaanka Alshabaab caleemo saartay ayaa la guddoonsiiyey Qori, isagoo dhowr rasaas ah hawada u riday, waxaana goobta ka muuqday sharaxaad iyo muuqaallo si weyn loogu xardhay oo lagu soo bandhigay.

Dhowaan ayey ahayd markii isla degmada Jilib lagu caleemo saaray nabadoonka Beesha Muddullood ee Jubbooyinka oo Alshabaab ay ka danbeysay, waxayna arrimahan kusoo beegmayaan iyadoo Doorashada Soomaaliya ay soo dhowaatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON