Monday, July 14, 2025

Alshabaab weerar kale oo Hoobiyeyaal ku qaaday Xerada Xalane & Garoonka Muqdisho

Madaafiic kale ayaa caawa laga maqlay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyadoo weerar hoobiyeyaal ah oo kale lagu qaaday xerada Xalane.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay Xalane iyo agagaarkiisa, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen, iyadoo dadka u dhow xerada Xalane ay sheegeen inay maqleen qaraxyo waaweyn oo madaafiic ku soo dhacay agagaarka Xalane.

Weerarka caawa ayaa noqonaya midkii labaad muddo aan ka badneyn muddo 17 saac gudahood ah, iyadoo saaka weerar noocan oo kale ah Alshabaab la beegsaday xerada Xalane, waxaana ku dhintay qof haweeney ah iyadoo ay 4 kale ku dhaawacmeen.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa wax war ah kasoo saarin weerarrada ku socda saldhigooda ugu weyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON