Alshabaab xukun toogasho ah ku fulisay Nin lagu eedeeyay Basaasidda madaxda Alshabaab..

Alshabaab ayaa xukunkii ugu horeeyay oo toogasho ah ka fulisay qof lagu soo eedeeyay inuu basaas u ahaa sirdoonka Mareykanka oo shirqool lagu dilo u maleegayey madax ka tirsan Alshabaab.

Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe, waxayna maxkamadda Alshabaab ee Sh/dhexe kusoo eedeysay nin lagu magacaabo Yaasiin Maxamuud Cumar inuu basaas u ahaa Sirdoonka Mareykanka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Maxkamadda ka hor qirtay in sarkaal Maraykan ah oo jooga Xalane usoo diray xogta iyo Lambarada xubno Al-Shabaab, mana jiro cid u dooday ninkaasi, sida lagu yaqaan Maxkamaddaha Alshabaab

Waa toogashadii ugu horeysay ee Alshabaab ka fuliso Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo markii hore xukunnadan oo kale ka dhici jireen Jubbooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON