Maamulka K/Galbeed iyo Alshabaab ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay duqeeyeen Gaari dad shacab ah la socdeen iyadoo ku laayey dhammaan dadkii shacabka ahaa.
Gaariga la duqeeyay oo noociisu Gaariga ay Soomaalida u taqaan Caasiga ee BL ayaa shalay Gantaal xoog leh lagu duqeeyay degaanka Ugunji ee degmada Jannaale, Gobolka Sh/Hoose, iyadoo lagu dilay 4 qof oo la sheegay in 3 ka mida ay kasoo jeedaan Qoys caan ah oo lagu magacaabo Xaaji Xayeesi.
Dadka Gaariga la socay ayaa kala ah: C/raxmaan Cali Waadhoor iyo Maxamad Axmad Sheekh Isaaq, Axmad Niic oo ahaa darawalkii Gaariga iyo nin oday ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Macallin Cabdullaahi. Dadkan ayaa ka tegay Jannaale, waxayna danahooda u aadeen degaanka Ceelasha Biyha iyadoo soo noqodkoodii ay duqeynta ku dhacday.
Dhinaca kale xildhibaan Mahad Dhoore oo ka mida xildhibaannada K/Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay duqeyn ku dileen dad rayid ah, ayna ka danbeeyeen diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka.
Wuxuu sheegay in dadka dhintay la kala saari waayey hilbahoodana ay is dhex galeen, wuxuuna sheegay inuusan jirin taxadar ay sameynayaan marka ay duqeynta qaadayaan.
SAWIRRADA GAARIGA LA DUQEEYAY




