Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa dagaal kedis ah oo ay ku qaaday duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe waxay sheegtay inay kula wareegtay Degaanka Sabuun, taasoo ay beeniyeen maamulka gobolka Sh/hoose.
Weerarka oo kedis ahaa ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay askari ka trisan ciidamada dowladda ee degaankaasi ku sugnaa, iyadoo lagu dhaawacay dhowr askari oo kale. Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Sabuun kadib dagaal culus ee ay ku waadeen ayna ku laayeen ciidamo ku sugnaa.
Maamulka Sh/dhexe iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa beenisay in laga qabsaday degaankaasi, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab oo qasaare ay gaarsiiyeen.
Waa markii ugu horeysay ee Alshabaab ay degaan u dhow magaalada Jowhar weerar ku qaado, waxaana uu weerarkani ahaa mid lama filaan ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]