Sunday, July 13, 2025

Amar iyo digniin kasoo baxday Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed [Akhriso]

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Gaas Xuseen Xasaan Cusmaan  oo shirjaraa’id uu  ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo  saaray Amar ku saabsan inaan la dhisan kariirn dhulka ay leeyinhiin  Ciidanka Asluubta.Taliyaha Asluubta ayaa caddeyay in dhulkooda u baahan yihin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la doonayo in lagu Xanaaneeyo maxaabiista, sidaas darteedna aan la dhisan karin dhul kasta oo ciidamada Asluubta ay leeyihiin.

Taliyaha ayaa uga digay dadka inay ka hantiidooda ku lumiyaan dhulka danta guud oo ay leeyihiin Ciidanka Asluubta, shaqsiyaadka doonaya inay dhistaan dhulka Ciidanka Asluubta. Wuxuuna intaasi ku daray in digniinta uu  u jeedinayo shaqsiyaad ku howlanaa dhisidda  dhulka Ciidanlka Asluubta ee kabaiga ku hayo Isbitaalka Keydsaney ee degmada Kaaraan,  magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeyeey ayaa waxaa jirtay dad isku dayay in ay dhistaan dhulka danta guud oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya,waxaana jirta dad badan oo laga saaray dhul ay si sharci daro ah ku dhisteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON