Taliska Booliska ayaa amarro cusub ka soo saaray xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho xilli la isu diyaarinayo doorashada 2106.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in la mamnuucay ciidamada badan ee magaalada ku dhex wata hubka, isla markaana ay nabadgelyada magaalada si wadaji ah u sugi doonaan ciidamada booliska iyo milateriga.
Taliyaha ayaa caddeeyay in aan la ogolaan doonin ciidamo aan qeyb ka aheyn kuwa amniga oo hub ku dhex wata caasimadda Muqdisho.
Wuxuu digniin ciidamada dhex maraya magaalada, isagoo sheegay in ciidan aan aheyn ciidamada howsha ku jira aan lagu arki karin gudaha magaalada, ciddii amarkaasi ka hor timaadana laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo aanu faahfaahin.
Dhowaan ayaa taliyaha Booliska gobolka Banaadir wuxuu sheegay in wadooyinka Muqdisho qaarkood la xiri doono arrimo la xiriira doorashada.
Goobjooge.con