Friday, June 27, 2025

Amiir ka tirsan madaxda Imaaraadka Carabta oo goostay, magangelyana weydiistay dalka Qatar

Amiir ka tirsan madaxda dalka Imaaraadka Carabta oo uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu ayaa baxsaday, isagoo magangelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay magaalada London.

Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in xog uu ka helayo dad u dhowAmiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo sida oo kale xogo diblomaasiyadeed oo wargaysku ku sheegay kuwo heer sare ah, ayaa waxay sheegeen Amiirka goostay oo 31 jir ah uu saddex todobaad ka hor u duulay magaalo madaxda Qatar ee Dooxa.

5-tii Juun ee sannadkii hore ayaa Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar u jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsiba Qaar waxaana la joojiyey gaadiidkii u kala gooshi jiray.

Dalalkaasi waxay ku eedeeyeen Qatar in ay taageerto aragagixisada iyo in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyo sidoo kale in ay xidhiidh adag la yeelatay Iran, tasoo ay si kulul u beenisay Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON