Amiirka Alshabaab ayaa farriin culus oo uu soo diray, soona mariyay qeybta Warbaahinta Alshabaab wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashooyinka Soomaaliya lagu wado inay ka dhacaan sanadkan 2016.
Amiirka Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) oo ay tahay farriintiisii ugu weyneyd ee uu cod ahaan u soo duubo wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal gumeysi Kirishtaan ahi heysto, wuxuuna ku baaqay in dagaal lagala hor tago kuwa soo duulay.
Farriinta hogaamiyaha Alshabaab oo soconeysa 44 daqiiqo wuxuu ku eedeeyay ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga inay tacadiyo balaaran oo uu ka mid yahay kufsi u geystaan dadka Soomaaliyeed.
Axmed Abuu Cubeydah wuxuu Soomaalida uga digay inay ka qeyb qaataan doorashada ay qabaneyso dowladda Federaalka, isagoo sheegay inay doorashadaasi wataan gaalada ku soo duushay Soomaaliya.
Farriinta Hogaamiyaha Alshabaab waxay ahayd tii ugu horeysay ee uu jeediyo intii uu xilka qabtay, wuxuuna si weyn ugu meletalay farriimihii Axmed Cabdi Godane isagoo adeegsaday gabayo.
Goobjooge.com