Wednesday, June 25, 2025

Amiirka dalka Qatar oo 100 Milyan oo Dollar ugu deeqay Dadka Yeman ee macaluusha wajahaya

Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa lacag gaareysa $100 milyan Dollar ugu deeqay dadka Yeman si loogu taageero Barnaamijka Cunnada Adduunka WHO, qeybteeda dalka ee Yemen.

Wakaaladda wararka ee Qatar (QNA) ayaa shaacisay in Amiirka dalkaasi uu taageeradan bixiyey, iyadoo lasii marinayo Barnaamijka Cunnada ee Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo dadka macaluushu ku heyso dalka Yeman oo dagaallo sokeeye ay halakeeyeen.

Waxay tallaabadan Amiirka timid inay gacan ka geysato gargaarka degdegga ah ee Qaramada Midoobay iyo barnaamijyada bani’aadamnimada si loo yareeyo inay sii xumaato masiibada bani’aadamnimo ee dalkaasi ka jirta.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay macluusha ka jirta Yemen hadii aan dhaqso gargaar loo helin inay faraha ka bixi doonto. Xafiiska Qaramada Midoobayna wuxuu sheegay in 20 milyan oo Yemeniyiin ah ay la ildaran yihiin cunno yari.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, Mark Lowcock, Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadamnimada, wuxuu sheegay inay heleen ballanqaadyo gaaraya 1.7 bilyan oo dollar (…), balse la bixiyey in ka yar kala bar.

Waxay Q/Midoobay ka digtay in haddii aan la helin maalgelin dheeraad ah, malaayiin reer Yemen ah ayaa gaajo u dhiman doona ka hor inta uusan sannadka dhammaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON