Tuesday, June 24, 2025

Amiirka dowladda Qatar oo Soomaalida u ogolaaday in la siiyo Iqaamado ay ku shaqeysan karaan

Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhin doona dalka Qatar C/risaaq Faarax Cali waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Amiirku aqbalay codsigii Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan la xiriiray madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu iga codsaday inaan Amiirka gaarsiiyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar loo furo Iqaamadihii, Qofkii shaqo hella waqtigan hadduu yahay xirfadle iyo hadduusan xirfadle ahaynba ciqaamad ma heli karo Baasboorka Soomaaliga ah uu wato awgeed, dalabkii madaxweynaha markaan gudbiyey meeshii baa lagu aqbalay, Amar ayuu Amiirku goobtii ku bixiyay in loo furo Soomaalida Iqaamadaha,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Wuxuu sheegay maalmo gudahood in qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka helaa dalka Qatar ay Iqaamadii u furan tahay, islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON