Friday, July 11, 2025

Amiirka Dalka Qatar oo Lacag ku dhow 500 Milyan oo Doolar ugu deeqay Maamulka & Dadka Falastiin.

Amiirka dowladda Qatar Amir Tamin Bin Hamad Althani ayaa ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo uu siinayo dadka reer Falastiin munaasabadda Bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed.

Lacagtan oo la gaarsiin doono dadka ku nool Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa gaareysa 480 Milyan oo Doolar, waxayna 300 Milyan oo ka mida tahay kabka Miisaaniyadda maamulka Falastiin, siiba dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka, halka 180 Milyan oo doolar ay tahay deeq gargaar.

Bayaan ka soo baxay xafiiska dalka Qatar ayaa lagu shaaciyey in deeqdan ay qeyb ka tahay taageerada walaalnimo ee dowladda dalkaasi ay siiso wallaalahooda reer Falastiin si wax looga qabto baahidooda kala duwan xilligan ay wajahayaan duruufo adag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON