Wednesday, June 25, 2025

Amiirka Qatar oo Qalab Caafimaad & Isbitaal ugu deeqay Tunisia, 500 Milyan Dollar-na siiyey Q/Midoobay

Amiirka Dalka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani ayaa deeq Qalab caafimaad ah iyo Isbitaal nooca degdegta loo dhiso ah ugu deeqay dalka Tunisia.

Diyarad xamuul oo ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Qatar ayaa shalay Garoonka Tozeur International Airport ee dalka Tunisia ka dejiday qalab caafimaad oo loogu talogalay ka hortaga cudurka Coronavirus iyo daweynta dadka uu soo tiro.

Qalabka ay ku deeqday Qatar ayaa isugu jira: Isbitaal degdeg loo dhisi karo oo leh 100 sariirood iyo 20 Mishiinada neefta siiya bukaanada ee “ventilators”. waxayna hore Qatar dalka Tunisia u gaarsiisay Qalab caafimaad oo laba shixnadood ah.

Dhinac kale amirka Qatar ayaa lacag gaareysa 500 Milyan Dollar siisay hay’adaha Q/Midoobay ee ku howlan la tacaalidda cudurka Covid-19.

Qatari medical aid arrives in Tunisia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON