Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho..? (War AMISOM soo saartay iyo faahfaahin)

AMISOM ayaa beenisay in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho weerar lagu soo qaaday, isagoo sheegay in kaliya Doomo u soo dhowaaday Garoonka ay rasaas ku rideen.

Afhayeenka AMISOM Lt. Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in dhowr Doomood oo ku soo dhawaaday Garoonka ay rasaas ku rideen dhawr jeer wuxuuna meesha ka saaray in la soo weeraray garoonka. Wuxuu sheegay in garoonka ay laba jeer ku soo dhowaadeen rasaas digniin ahna ku rideen, kadibna ay rasaas toos ah hoos ugu dhigeen, taasoo keentay inay dib u laabtaan.

Dhinaca kale Diyaarado maanta ka baaqday Garoonka ayaa hakad geliyay howlihii garoonka, Shirkadda Turkish Airlines oo maanta aan imaan garoonka Muqdisho ayaa sheegtay inay ugu wacan tahay iyadoo aan caddeyn laga siin waxa dhacay.

Ma cadda sida wax u dhaceen xalay madaxda garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in AMISOM ay rasaas si khalad ah ugu riday Doomo Kaluumeysi, iyadoo u maleeyay kooxo soo weeraray garoonka. Warar kale sheegayaan inay AMISOM sameyneysay dabrid tababar milateri ah.

Xaaladda Garoonka ayaa caadi ku soo laabatay, waxaana la yaab leh in AMISOM rasaas xoog badan oo muddo ka ku dhow saacad ka badan ay ku ridaan Doomo la garan waayay, taasoo haddiiba ay dhacdo noqoneysa karti darro dhibaato u keeni karta Garoonka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON