Tuesday, July 15, 2025

AMISOM iyo ciidamada xoogga oo weerarkii ugu horeeyay ku qaaday Alshabaab duleedka Baraawe

Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa saacdihii ugu danbeeyay ka dhacay Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo warara kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha dagaalka.

Dagaalka ayaa ah kii ugyu horeeyay oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qaadeen in muddo ah oo ay difaac iyo dib u gurasho ku jireen, waxayna dagaalku ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin Duleedka Degmada Baraawe.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha hoose Maxamed Shiine ayaa sheegay in Dagaalka ay qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayna ku dileen 4 ka tirsan Al-shabaab ah, isagoo sheegtay inay  qabteen ilaa 7 Maxaabiis ah oo Shabab ka tirsan, isagoo intaas ku daray in hal askari looga dilay dhinacooda.

Kooxda Al-shabaab ayaan wax war  ah kasoo saarin dagaalka lagu qaadayd ee ka dhacay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON