Wednesday, June 25, 2025

AMISOM oo Bayaan Murugo leh ka soo saartay dadkii lagu laayay Degaanka Calamada

Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay ka qoomameynayaan shil uu ku lug yeeshay mid ka mid ah baabuurtooda oo ay ku dhinteen dad shacab ah, waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Amisom, shilka ayaa ka dhashay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah iyo baabuur Amisom oo isku dhacay.

“Warbixino horudhac ah ayaa sheegaya in gaari caasi ah oo ay saarnaayeen rakaab uu isku dayey inuu dhinac dhaafo baabuurka Amisom, hase yeeshee uu ka horyimid gaari kale, kadibna isaga oo ka cararayaa inuu fool ka fool ugu dhaco gaariga kale ayuu gaariga rakaabka ku dhacay baaburka Amisom” ayaa lagu yiri bayaanka Amisom.

Waxa ay Amisom sheegtay in shilkaas uu dhaliyey dhimashada afar qof iyo dhaawaca 14 kale.

“Amisom waxay si qoto dheer uga qoomameyneysaa shilkan musiibada iyo nasiib darrada ah, waxayna kala kulmeysaa dhacdadan booliiska Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo odayaasha” ayaa lagu xusay bayaanka.

Amisom waxa ay sidoo kale sheegtay in ayada oo kaashaneysa hay’adaha dowladda federaalka ah ay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadan ayna akhbara dheeri ah oo gudbin doonto.

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON