Tuesday, July 1, 2025

AMISOM oo beenisay inay Alshabaab qabsatay Magaalada Marka

AMISOM ayaa beenisay wararka sheegaya in magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ay qabsadeen galabta maleeshiyada Alshabaab.

AMISOM ayaa caddeysay in xerada ciidamada AMISOM ay 800 Mitir u jirto magaalada Marka oo ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Alshabaab qabsadeen sida  ay faafiyeen warbaahinta Soomaalida.

AMISOM ayaa sheegtay inay sii joogi doonto magaalada Marka, isla markaana  ay ka go’an tahay sugidda ammaanka dadka magaalada Marka.

Dadka degaanka iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqijiyay in Alshabaab ay qabsadeen magaalada Marka, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii milateriga Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON