Tuesday, June 24, 2025

AMISOM oo ciyaar kubadda cagta u qabatay dhalinyarada beelaha dirisan ee H/Gidir & Biyomaal [Sawirro]

Tartan kubadda cagta ah ayaa loo qabtay beelaha magaalada Marka ku dirirsan ee H/Gidir iyo Biyamaal, sida ayaa shaacisay AMISOM.

Dhalinyaro ka tirsan labadan beelood ee iska soo horjeeda muddo sanado ahna ku dagaalamya gobolka Sh/Hoose iyo magaalada Marka ayaa dhinac iska dhigay khilaafka u dhaxeeya iyadoo ciyaar kubadda cagta ay kulmisay.

Ciyaartan ka dhacday 28-kii September garoon ay banneeyeen ciidamada AMISOM oo ku yaalla Ceeljaalle, waxaana garoonka ku deeqay oday degaanka ah, iyadoo ay ciidamada AMISOM iyo qalabkooda ka qeyb qaateen habeyntiisa.

Kooxaha kubadda cagta ee labada beelood ayaa ku ciyaaraha magaca kooxda Marka Ayuub iyo kooxda Ceeljaalle, iyadoo ay ciyaartaasi ku soo dhammaatay barbardhac 0-0 ah.

Ciyaarta kubadda cagta kadib ayaa la sheegay in wadahadal nabadeed uu labada dhinac dhex maray, iyadoo ay khudbado ka jeediyeen  isku xiraha dadka iyo ciidamad AMISOM Colonel Bonny Ogwal iyo taliyaha AMISO M ee degaankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON