Sunday, July 13, 2025

AMISOM oo dad rayid ah ku dishay Marka iyo magaalada oo xiran

Wararka laga heleyo magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi ay saaka xiran tahay, ayna ka jirto xiisad ka dhalatay ciidamada AMISOM oo dad ku dilay markii ay gudaha u soo galeen guryaha magaalada, kadib markii Gaari booyad ah oo AMISOM leedahay la qarxiyay laguna dilay darawalkii.

Askari_AMISOM_Marka

Ciidamada AMISOM ee Uganda ayaa qaraxaas kadib xiray wadooyinka magalaada iyadoo gudaha u galay xaafadaha waxayna dileen ilaa lix ruux inta ay xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana dadka la dilay ka mida Aabe iyo afar wiil oo uu dhalay. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya  in dadka ay AMISOM ku dileen gudaha magaalada Marka ay tiradoodu korortay iyadoo ay ka badan tahay 10 ruux.

Xaaladda magaalada Marko ayaa saaka aad u kacsan iyadoo ciidamad AMISOM ay gebi ahaan xireen wadooyinka magaalada, mana jiro wax dhaqdhaqaaq ah. Dadka magaalada ayaa goor hore oo saaka aha isaga qaxay magaalada.

Dhowaan ayay ahayd markii AMSIOM lagu eedeeyaya inay  laayeen dad ka badan 18 ruux kadib markii qarax sidan oo kale ah lala beegsaday, waxayna AMISOM ku dooday in ay dileen xubno Alshabaab oo isku urursanayay xaafad ka mida magaalada Marka, mana jirto wax baaritaan ah oo ay sameeyeen dowladda Federaalka iyo dhinacyo kale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON