Ciidamada AMISOM oo fadhigoodu yahay magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen xaafad ka tirsan magaalada Afgooye ay ku soo qabteen dhowr qof ay kaxeysteen iyadoo dadka magaaladaasi ay is weydiinayaan arrintan cusub.
5 ruux ayay ciidamada AMISOM ka kaxeysteen xaafadda If & Aakhiro kadib howlgal degdeg ah oo ka fuliyeen Afgooye, waxayna ciidamadaasi go’doomiyeen xaafadaasi. Dadka Afgooye ayaa cabsi weyn ka qaba in dadkan dhibaato loo geysto sidii ka dhacday magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Ciidamada AMISOM ayaa xarun weyn oo ciidankoodu degan yahay ku leh duleedka magaalada Afgooye oo ah magaalo istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada Muqdisho ee caasimadda ah iyo Koonfurta dalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]