Degaanka Ceel-Saliindi ee gobolka Sh/hoose oo u dhexeeya Lambar 50 iyo Lambar 60 ayay la wareegeen kooxda Alshabaab kadib markii Ciidamada AMISOM ay ka baxeen halkaasi, waxayna tani ka mid tahay isbedello weyn oo ka socda Gobolka Sh/hoose kadib weerarkii Jannaale.
Ciidamada AMISOM ayaa Ceel-Saliindi isaga baxay xalay iyagoo ka guuray gebi ahaanba degaankaasi, waxaana isla markiiba la wareegay boqolaal maleeshiyo oo Alshabaab ah. Arrintan ayaa dhacday muddo 24 saacadood gudahood ah iyadoo ay AMISOM ka baxeen degmada Kuntuwaarey oo iyadana ay Alshabaab isla shalay la wareegeen.
AMISOM ayaa sheegtay inay isbedeli doonaan qorshaha ciidamadooda jooga gobolka Sh/hoose, waxaya u muuqataa in AMISOM ay go’aansatay inay gebi ahaan banneyso saldhigyada yaryar ee gobolka ay kaga sugnaayeen oo ay isugu tegi doonaan saldhigyada waaweyn oo kaliya.
Alshabaab ayaa hadda dib u qabsatay ugu yaraan laba degmo oo ka mida gobolka Sh/hoose, waxay kaloo heystaan degaano badan oo ku dhow xarumaha ay heysteen ciidamada AMISOM.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]