Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha ayaa diiday in Garoonka Muqdisho uu shaqeeyo habeenkii.
Dowladda Soomaaliya ayaa aakhirkii Bishii hore ee July 2017 ku dhawaaqay inuu habeenkii shaqeyn doono Garoonka, laakiin waxaa arrintan ka hor yimid ciidamada AMISOM ee suga ammaanka Garoonka, iyadoo la sheegay inay isku dhaceen maamulka Garoonka iyo AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay xireen albaabka laga  galo Garoonka iyagoo dhagxaan waaweyn oo dhug ah dhigay kadib 5-tii galabnimo maalmihii Khamiista iyo Jimcaha, taasoo keentay in maamulka Garoonka uu dhagxaantaasi ka qaado, balse markii danbe ay AMISOMla timid gaari gaashaaman.
Waxay kaloo AMISOM diiday in la furo hoolalka garoonka ee laga dhoofo si loo isticmaalo, arrintan oo dhalisay isku dhac maamulka Garoonka iyo AMISOM ayaa keentay inay shir yeeshaan labada dhinac shalay, waxayna wararka ku dhowdhow sheegayaan in lagu kala kacay.
AMISOM ayaa ku doodeysa inaysan damaanad qaadi karin ammaanka garoonka Muqdisho xilliyadii habeenkii, isla markaana aanay ogolaan karin in dadweynaha loo furo, waxayna wararku sheegayaan in garoonka ay habeenkii adeegsadaan hay’ado sirdoon iyo kuwa ku xiran AMISOM.
AKHRISO ARRIMAHA HORTAAGAN
1- Inay AMISOM oo ku doodeysa inaysan damaanad qaadi karin Ammaanka Diyaaradaha iyo Rakaabka habeenkii isticmaalaya Garoonka.
2- Diyaarado Milateri oo habeenkii isticmaala Garoonka, siiba kuwa Mareykanka ee sirdoonka iyo AFRICOM, iyadoo aan la ogolayn iney shacabku arkaan.
3- Qeybta hagidda Diyaaradaha Garoonka Muqdisho oo habeenkii ay la wareegaan howlwadeenada Shirkadda Bankraft ee la shaqeysa AMISOM.
Isku dhaca AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ee ka dhashay dib u howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho habeenkii ayaa gaaray xaalad is mari waa’ ah, iyadoo arrinta dhabta ah ee dowladda Federaalka is moogeysiineyso ay tahay in Garoonka uu yahay xero milateri.
Goobjooge