Tuesday, July 15, 2025

AMISOM oo duqeyn madaafiic ah ka bilowday Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa duqeyn xoog leh oo madaafiic loo adeegsanayo ka wada Tuulooyin Hoosyimaada Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha.

Degaanada duqeyntu ka socoto ayaa waxaa ka mida Kaaytooy, Afbanaane iyo Garsiine. Madaafiicda ayaa la sheegay in lala beegsanayo Fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin Tuulooyinkaasi.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa sheegay in Madaafiicda lala beegsaday Xerooyinka AlShabaab islamarkaana Madaafiicdaasi ay qeyb ka tahay Howlgal Gobolka Shabeelaha hoose laga bilaabay.

Dadkii Rayidka ahaa ee ku noolaa inta u dhexeeyasa Buufoow iyo Janaale ayaa la soo weriyay inay ka barakaceen Madaafiicda lagu garaacayo degaanadaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON