Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa balaarisay doorkeeda nabad dhalinta ee Soomaaliya iyadoo bilowday inay tababarto xildhibaanada maamul Goboleedyada.
AMISOM ayaa dhowaan soo gabagabeysay tababar ay siisay inta badan xildhibaanada maamulka Hirshabeele, iyadoo horena u tababartay xildhibaanada maamulka Galmudug oo Muqdisho la isugu keenay.
Tabarradda AMISOM ayaa la sheegay in xildhibaanda lagu barayo qaabka xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta, waxaana la yaab leh inay AMISOM qandaraas ku qaadatay tababarka Baarlamaanada maamulada iyadoo ay jiraan hay’ado aqoon iyo takhasus u leh arrimahan.
Mashruuca ay AMISOM ku tababarreyso xildhibaanada Maamul Goboleedyada ayaa laga maalgeliyay mashruuca xasilinta ee Dowladda Denmark ay dhaqaalihiisa bixiso. Waxay arrintani caddeyn u tahay in AMISOM oo howlgal ciidan ahaa uu hadda qeyb ka noqday hay’adaha mashaariicda ka hela Soomaaliya.
GALMUDUG
HIRSHABEELLE