Wednesday, June 25, 2025

AMISOM oo Jawaab kasoo saartay Duqeyntii Ciidamada Kenya ee Gobolka Gedo (War-saxaafadeed)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa War kasoo saaray eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay ciidamada Kenya inay duqeyn aan kala soon lahayn ka fuliyeen Gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay heshay bayaankii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, kuna taariikheysan June 04 2021. Bayaanka oo la xiriiray warbixinno ku saabsan duqeymo cirka ah oo lala beegsanayo dadka rayidka ah ee ku nool gobolka Gedo ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay waddan ay ciidamadiisu ka mid yihiin AMISOM.

“AMISOM waxay hadda ku howlan tahay aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee ay quseyso inta aan wadno baaritaanka arintaan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka AMISOM oo aan lagu soo hadal qaadin dalka Kenya.

AMISOM ayaa sheegtay inay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday Soomaaliya si waafaqsan waajibaadka ciidamada loo igmaday, iyadoo la raacayo dhamaan sharciyada caalamiga ah ee quseeya Howlgalka.

“AMISOM waxay si buuxda u baareysaa dhacdada la sheegay wixii kasoo baxana waxaa lala wadaagi doonaa dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON