Howgal milateri oo kooxda Alshabaab looga xoreynayo gobolada Bay iyo Gedo ayaa si rasmi ah u bilowday sdia aya shaaciyay AMISOM oo qoraal kasoo saartay xarunteeda Muqdisho. Howlgalkan ayaa loogu magic daray howlgalka isku furka jubbooyinka ‘Operation Jubba Corridor’, waxaana ujeedkiisu yahay in Alshabaab looga eryo degaanada Miyiga.
Howlgalka ayaa la sheegay inay si wadajir ah u wadaan AMISOM iyo ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo horumar laga gaaray bilowgii howlgalka sida lagu sheegay warka AMISOM ka soo baxay.
Howlgalka ayaa Jimcihii ka bilowday Qansaxdhere iyo Faxfaxdhun, iyadoo AMISOM ay sheegeyso in dhulka gacanta ugu jira Alshabaab laga xoreyn doono laguna soo celin doono nabad.
Talioye ku xigeenka howgallada AMISOM General Mohammedesha Zeyinu ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay sidii Alshabaab looga nadiifin lahaa dhulka miyiga ah ee ay heystaan, wuxuuna intaas ku daray in howlgalkan lagu nadiifin doono wadooyinka waaweyn si gargaar loo gaarsiiyo dadka ayna dowladda Federaalka gacanta ugu qaban lahayd degaanadaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]