Monday, July 14, 2025

AMISOM oo qiratay dadkii ay ku leysay Magaalada Marka & Cudurdaar ay bixisay -WAR-SAXAAFADEED

Ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay qirtay in ciidamadooda ay dileen dad shacab ah oo lagu dilay magaalada Marka oo Gobolka Sh/hoose 31 July 2015. Shir jaraa’id oo magaalada Nairobi ay ku qabteen Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo war-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay ku lug yeesheen dil ka dhacay Marka.

amisondil

AMISOM waxay cudurdaar iyo raali gelin ka bixisay dhacdadii Magaalada Marka iyo dadkii naftooda ku waayay, wuxuuna madaxa Midowga Afrika tacsi u diray qoyskii dadkaasi ka dhinteen iyo dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Waxayna sheegeen inay 3 askari oo falkaasi ku lug yeeshay la xiray baaritaankuna weli socdo.

Saraakiisha AMISOM ee dilkii Magaalada Marka lagu soo eedeeyay ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka AMISOM in Maxkamad milateri lagu qaadi doono. Baaritaanka arrintani ay qeyb ka qaadanayaan dowladda Federaalka iyo odayaasha degaanka.

Waa markii ugu horeysay ee AMISOM ay qirato inay ka dambeysay dil dad rayid ah, waxayna tani ka dambeysay qeylo dhaan iyo olole ay qaadeen saxaafadda iyo ururada xuquuqda aadamiga dunida, iyadoo ay ka gaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana weli harsan dhacdooyin kale oo AMISOM dad shacab ah ku leysay.

HALKAN KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AMISOM

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON