Wednesday, July 16, 2025

AMISOM oo qiratay in askari ka tirsan ciidankeeda uu Muqdisho ku dilay wiil 14 jir ah

Taliska Guud ee ciidamada AMISOM ayaa caddeeyay in Askari ka tirsan Ciidamadooda uu ku toogasho ku dileen shalay Wiil 14 sano jir ah oo kubad ku ciyaarayay agagaarka Garoonka Muqdisho Stadium oo saldhig ah.

Paul_Njuguna_AMISOM_SPKR

Afhayeenka AMISOM, Col. Paul Njuguna ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan qaabka uu ku dhacay dilkaasi oo uu geystay askariga Ciidamadooda ku Sugan saldhigga ay ku leeyihiin garoonka Kubadda ee Muqdisho. Afhayeenku wuxuu xusay in akhbaarta uu hayo ay tahay in Wiilku uu ku cararay difaacyada ciidamada AMISOM, Isla markaana uu Askariga dilka Geystay mooday khatar kusoo wajahan, sidaasna shilka ku dhacay.

Afhayeenku  la weydiiyay waxa ka jira in wiilkaan la dilay uu ka mid ahaa dhallinyaro kubad ciyaarayay oo kubadii ay ku ciyaarayeen uu difaaca ciidamada uga dhacay, oo uu doonayay inuu kubadda kasoo qaato halkaas, ayaa ku jawaabay. “Runtii hadda waxaan raadinaynaa warbixin sax ah, waana muhiim in xogta ehellada ay sheegayaan ay si rasmi ah u helno.”

 

Afhayeenka ayaa sheegay in AMISOM aysan raali ka ahayn waxyeelo la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed oo arrinta dilka wiilka yar ay baaritaan buuxa ku sameyn doonaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON